Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Maxkamadaha oo Qabsadey Hub iyo Gaadiid
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:24
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:370
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 09 2008
Maxkamadaha oo Qabsadey Hub iyo Gaadiid
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 09 July 2008

muuqaalka Gari Cabdi Bile ah Muqdisho,(insidesomalia.org)- Af-hayeenka Howlgalada Maxkamadaha Islaamka Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay shalay gelinkii dambe dagaal kula wareegeen hub iyo gaadiid badan oo la doonayay in lagu soo qaado Ciidamo Soomaali ah oo lagu soo tababaray gudaha Dalaka Itoobiya.

Mr Caddow ayaa waxaa uu sheegay in Gaadiidka iyo hubka ay wadeen lagu abaabulay Muqdisho, lagana diray Xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka war heleena ay jidka u galeen ayna la wareegeen Gaadiidkii iyo hubkii saarnaa ee Ciidamadaas loo waday.

“Waxaan leenahay ilo aan wararka noocaas ah ka helno, waana ku guuleysanay in howlgalkii aan gaadiidkaas iyo hubkaas ku soo furannay”ayuu yiri Cabdiraxiin Ciise Caddow oo sheegay in ay sidoo kale dhibaato u geysteen Ciidamo la socday gaadiidkaas.

Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa uu dagaal ku dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Xoogaga ka soo horjeeda nawaaxiga Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, inkastoo saaka la soo sheegayo in xaalada deegaannadii ay shalay dagaalada ka dhaceen ay degan yihiin.

Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda oo rumeynaya ama beeninaya hadalka uu sii daayay Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka oo ahaa in ay Gaadiid iyo Hub ka qabsadeen Dowladda.

Wadada Isku Xirta Muqdisho iyo Baydhabo ayaa dhawaanahan waxay ahayd mid uu ku safarkeeda khatar yahay, waxaana mar kasta ka dhaca iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >